Hot Topics

VIDEO: Yaa weeraray xalay saldhigga Israac ee magaalada Garoowe ?

Taliska Qeybta Booliska gobalka Nugaal ayaa ku eedeeyay askar katirsan ciidamada Daraawiishta ee ka amar qaata Gen. Jimcaale Jaamac Takar weerar habeenimadii xalay lagu qaaday saldhigga xaafadda israac ee caasimadda Puntland ee Garoowe, kaas oo sababay dhaawaca hal ruux.

Taliye kuxigeenka Booliska gobalka Nugaal, G/dhexe Maxamuud Muuse Bile ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay saldhigga Israac uu yimid kaddib markii askar cabtooy ah oo katirsan ciidamada ay keeneen saldhigga wiil dhallinyaro ah oo ay soo garaaceen, uuna ka muuqday dhaawac dalbadeena in loo xiro balse Booliska ku sugnaa saldhigga iska diideen ayna ka codsadeen in marka hore ay soo daaweeyaan.

Askarta katirsan ciidamada Jimcaale ayaa intaa kaddib bilaabay in ay handadaan ciidamada Booliska saldhigga, oo ay rasaas ku fureen. G/dhexe Maxamuud Bile ayaa xusay in ay wadahadleen Gen. Jimcaale lana soo qaban doono askartii falka geysatay.

IDILNEWS