Hot Topics

Maxaa ka jira in MW Deni & Xassan Sheekh ku kulmayaan Gaalkacyo?

Madaxweynaha Puntland, Said Abdullahi Deni ayaa lagu wadaa in 28ka bishan August, uu ka dego xarunta gobalka Mudug ee Gaalkacyo, halkaas oo uu ka daahfuri doono ‘1-da September’ tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee 9 gobal ee Puntland.

MW Deni ayaa sidoo kale Gaalkacyo kula kulmaya Isimadda dhaqanka, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo uu kala hadli doono adkeynta Amniga iyo soo afjarida aanooyinka qabiil ee muddooyinkii u dambeeyay ka dhacayay gobalka Mudug.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa booqanaya mashaariic hormarineed ee ka soconaya gobalka Mudug, sida wadada 3G ee isku xiraysa Garacad, Goldogob iyo Gaalkacyo.

Ma jiro kulan Madaxweyne Deni uu kula yeelanayo magaalada Gaalkacyo Madaxweynaha DFS Hassan Sheikh Mohamud, sida ay Idilnews u xaqiijiyeen saraakiil kamid ah xafiiska Madaxweynaha Puntland.

Amniga Gaalkacyo ayaa hadda aad loo xoojiyay waxaana magaalada la geeyay ciidammo dheeraad ah, kuwaas baritaaraya laamaha amniga gobalka Mudug.

IDILNEWS