Hot Topics

Muddo-xileedka rasmiga ah ee Axmed Madoobe oo maanta ku ekaa!

Maanta oo ay aheyd 22ka bisha August, waxaa ku ekaa muddo-xileedka rasmiga ah ee Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam.

Axmed Madoobe kuma guulaysan Jubaland-tii la hiigsanayay,waxaana la oran karaa waa ku fashilmay.

1.Ma hayo Shacab midaysan.
2.Ma hayo Dhul midaysan.
3.Ma hayo Nidaam midaysan.
4.Ma hayo hay’ado shaqeeya oo maamul.
5.Ma hirgelin nidaam Doorasho oo xor ah.
6.Ma daadajin maamulka.
7.Ma sifayn argagixisadii.
8.Ma dhisin Ciidan mid ah.

Maanta lama sii aqbali karo mudo xileed kale oo Axmed Ummada sii hir fadhiyo.

Jubaland isbadal dhan walba ah ayay ubaahan tahay oo masii ahaan karto..

1.Hal Magaalo.
2.Hal Xaafiis.
3.Hal Nin.
4.Hal Ciidan Beeleed.

Hadaba si loo helo Jubaland-ta la hiigsanayo waa in loo xulaa hogaan ku filan gaarida himilooyinkan..

1.Jubaland Dhulkeedu xor wada yahay.
2.Jubaland Dadkeedu mid yahay.
3.Jubaland leh hay’ado Cadaalad oo shaqeeya
4.Jubaland leh Ciidan loo dhan yahay.
5.JL karaamada nooluhu qiimo ku leeyahay.
6.Jubaland leh hay’ado Dowladeed oo ku yimid doorasho xor iyo xalaal ah.

Jubaland balaaran,ayaa loo baahan yahay fariisinteed.

Jibril Qoobey.

IDILNEWS