Hot Topics

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Laascaanood

Daryanka madaafiicda culus ayaa weli laga maqlayaa jiidaha Bari iyo galbeed ee duleedka Laascaanood, oo saaka uu dib uga bilowday dagaal culus oo u dhexeeya maleeshiyaadka maamulka Somaliland iyo ciidamada deegaanka ee SSC.

Inta badan dagaalka maanta ayaa dhinacyadu isku adeegsanayeen hubka culus. Somaliland ayaa la sheegay in dagaalka lagu gaarsiiyay jab xooggan, waxaan jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamadeeda, halka laga gubay gaadiid dagaal.

Sidoo kale, Ciidamada deegaanka ee SSC ayaa khasaare kasoo gaaray dagaalka, wararka laga helayo Laascaanood ayaana intaa ku daraya in ciidamada deegaanku ku durkeen aagag cusub oo kamid ah goobihii lagu dagaalamay.

Somaliland oo war soo saartay ayaa ku eedeeysay ciidamada Puntland oo garabsanaya argagixisada Al-Shabaab in ay soo weerareen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamadeedu. Taas oo ah wararka is maaweylinta ah ee Muuse Biixi ku jahwareeriyo shacabka goballada waqooyi.

IDILNEWS