Hot Topics

Mareykanka oo aan weli jawaab siin 840,000 oo Afghanistaniyiin ah

In ka badan 840,000 qof oo u dhashay dalka Afghanistan oo codsaday barnaamijka dib u dejinta Maraykanka ee lagu taageero dadka reer Afghanistan ee la soo shaqeeyey ciidamada Maraykanka, ayaa illaa haatan sugaya sidii ay u heli lahaayeen dib u dejinta Maraykanka, sida lagu sheegay warbixin cusub oo la soo saaray.

Warbixintan oo Khamiistii uu sii daayey kormeeraha guud ee wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka, ayaa lagu sheegay inay qaadeen tallaabooyin kor loogu qaadayo fududaynta fiisayaasha gaarka ah ee loogu talo galay dadkaas reer Afghanistan.

Hase ahaatee laba sano ka dib markii uu Maraykanku ka soo baxay Afghanistan, isla markaana uu awoodda dib ugu soo laabtay ururka Taliban, ayaa u muuqata inaan illaa haatan la furdaamin caqabadaha hortaagan.

Fiisayaal gaar ah ee loogu talo galay shacabka reer Afghanistan ee la soo shaqeeyey ciidamada Maraykanka ayaa la soo bilaabay sannadkii 2009-kii. Fiisayaashan gaarka ah ayaa loogu talo galay dadka dareema halisaha ka soo foodsaara shaqadooda.

Barnaamij kaas la mid ah ayaa isna loo fidiyey dadka u dhashay Ciraaq ee la soo shaqeeyey Maraykanka.

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in qof kasta oo soo dalbada barnaamijka dib u dejinta Maraykanka ee u gaarka ah Afghanistaaniyiinta, inaanu heli karin fursaddaas, waxaana ay ku qiyaaseen in 50% dadka soo codsaday inaanay marka horeba aanay buuxin shuruudaha codsiga.

AP/VOA

IDILNEWS