Hot Topics

VIDEO: Labo arrimood oo Gaalkacyo ku muteysatay martigelinta ciyaaraha

Xarunta gobalka Mudug ee Gaalkacyo ayaa jimcihii laga daahfuray tartanka kubadda cagta 9 gobal ee Puntland, kaas lagu bilaabay xulalka goballada Mudug iyo Raas-caseyr, waxaana 3 – 1 ku adkaaday xulka gobalka Mudug.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo daahfuray tartanka ayaa sheegay in Gaalkacyo labo arrimood dartood ku muteysatay martigelinta tartanka oo ah mid xamaasad u leh dadka reer Puntland.

Doorka reer Mudug ee xoreynta Sool iyo socodsiintoodii hayaanka dilmuquraadiyadda Puntland ayuu xusay Karaash in Gaaclkacyo u soo jiiday martigelinta tartanka xulalka kubadda cagta goballada Puntland.

https://fb.watch/mODhtEfuvz/?mibextid=Nif5oz

IDILNEWS