Hot Topics

Kulankii Xasan Shiikh iyo Beesha Xawaadle ee Maxaas oo fashilmay

Cali Jeyte,ayaa kulan 4-saac socday oo aan loo kala kicin kula yeeshay Maxaas Xasan Shiikh Xalay.

Shuruudo adag,ayaa la hor dhigay Xasan Shiikh,kuwaasoo kala ah….

1.In Saldhiga Mareykanka ee Danab loo soo wareejiyo Maxaas.

2.In Saanad Hub ah si deg deg ah Maxaas loogu keeno.

3.In Mashruuca Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Maxaas iyo mashaariicda kale si deg deg ah loogu bilaabo.

Qodobadan,ayaa reer Hiiraan shuruud uga dhigeen fulintoodu in ay noqoto itus oo itaabsii.

Sida wararku sheegayaan Xasan,waa aqbali waayay Shuruudahaas,waana lagu kala kacay kulan kale oo Saakay mudo Laba Saac ah socday.

Waa Waji gabax kale oo Xasan kasoo wajahay hogaamintiisa Wadanka marka laga soo tago dagaalka argagixisada fashilka uu kala kulmay.

Jibril Qoobey.