Madaxwayne Xasan Sheekh oo u baqay amnigiisa gaarka ah.

Warbaahinta baraha bulshada soomaalida ayaa si weyn looga hadal hayaa wiil dhalinyaro ah oo albaabka gaariga ka furaya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo aragtiyo kala duwan laga dhiibtay sababtoo ah waxaa la sheegay inuu yahay wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya,  kaas oo lagu magacaabo Cabdifataax Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaliya Cabdiraxmaan Al Cadaala ayaa xaqiijiyey in wiilkaasi yahay wiilka uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya, kana mid ah ilaaladiisa gaar ah, waloow uusan lahayn tabobar ciidan isla markaana uu dhawaan dalka dib ugu soo laabtay si uu u garab istaago aabihiis, ka miro dhalinta howlihiisa gaarka ah.

Cabdifataax wuxuu ku noolaa Dalka Turkey, halkaas oo u ka shaqayn jirey mid ka mid ah xawaaladaha soomaalida, waxa uuse hada la wareegay amniga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya.

Haddaba, waxaa la isla dhex marayaa is aamin darada iyo kala shakiga soo kala dhex galay kooxda isku raranta ee Vila Somalia iyo  madaxweynaha oo u baqay amnigiisa gaarka ah.

IDILNEWS.