Hot Topics

Mudo kororsiga Deni doonayo waxay dhabar jab ku tahay Dimuqraadiyada

Madaxweyne jooji dhabarjabinta Dimuqraadiyada.

2-Sano oo ku darsasha ah,waxay toos uga hor imaanaysaa Dimuqraadiyadii aad bilowday kuuna ahayd taariikhda wanaagsan.

Puntland iyo nidaamkeeda ha bahdilin,ha foolxumayn hana ku samayn fashilin.

Shacabka Puntland ee midaysan ee u diyaarsan Doorasho Qof iyo Cod ah ha niyad jabin oo fursad ha siin kuwa Dimuqraadiyada diidan.

Mida kale soo gal gudaha Wadanka oo Ummada la hadal,karaamee oo usoo istaag.

30-Cisho,ayaad lahayd Dastuuriyan in aad maqnaan karto hadaadan Xanuunsanayn marka Bulshada usheeg hadaad Xanuun ku maqan tahay ilayn masiirkoodii,ayaad sidaa.

Wasiiro Bulshada kaa xigsada mahaysatid,sidee Wadanka ku hogaaminaysaa??

Jibril Qoobey.