Mid ka mid ah Saraakiisha Sar sare Ee Alshabàab oo Lacag la dul dhigay

Dowladda Mareykanka,ayaa Toddobaadkii tagay Lacag dul dhigtay Xubin ka mid ah Madaxda Alshabaab.

Abaal-marinta,ayaa gaareysa Shan Milyan oo dollar,waxaana la siinayaa ciddii soo sheegta xog la xiriirta halka uu ku suganyahay ama far muuqda ku-xigeenka Amiirka Ururka Al-Shabaab.

Dhanka kale Mareykanka,ayaa soo dhaweeyay cuna-qabateyntii Hubka ee Golaha Ammaanka ee QM uu ka qaaday Soomaaliya kadib 32-sano oo ay saarneyd.