Hot Topics

Askar Maraykan ah oo lagu dilay weerar ka dhacay Bariga Dhexe

Iiraan ayaa beenisay in ay ku lug lahayd weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn oo lagu qaaday saldhig Maraykanku ku leeyahay meel u dhow xadka dalka Urdun uu la wadaago Suuriya, kaasoo lagu dilay saddex askari oo Maraykan ah.

Mareykanka ayaa ku eedeeyay weerarka, oo sidoo kale ay ku dhaawacmeen tobanaan kale, “kooxaha xagjirka ah ee Iiraan ay taageerto”.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa wacad ku maray in uu aargoosan doono wuxuuna yiri: “Waan ka jawaabi doonnaa.”

Waa markii ugu horeysay oo weerar lagu dilo ciidamo Mareykan ah oo ku sugan gobolkaasi tan iyo markii uu bilowday dagaalka Qasa ee ka dhashay weerarkii ururka Xamaas ku qaaday Israa’iil 7-dii Oktoober.