Muxuu ku salaysan yahay Shirka Talyaaniga ?

Sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya Shirkaasi looga hadli doono kobcinta iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga ee dhinacyada helitaanka Cuntada,Dhaqanka,Waxbarashada iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Shirkaas,ayaa Madaxweynaha Soomaaliya uu ka jeedin doonaa khudbad uu kaga hadlayo arrimaha muhaajiriinta, isku socodka dadka iyo amniga,sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya.

Waxa uu madaxweynuhu hoosta ka xarriiqi doonaa muhiimadda xasilloonida Gobolka, iyo mabda’a in waddan kasta ixtiraamo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Waddamada kale, ayay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya.

Dhanka kale Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya,ayaa sheegay in Abiy Axmed ay Hay’adda Cuntada iyo Beeraha FAO siisay abaalmarin la xiriirta mowqifkiisa ku aaddan Cuntada,Nafaqada iyo Hal-abuurka la xiriira isku filnaanshaha dhinaca Qamadiga.