Hot Topics

Faahfaahin:-Abaalmarinta caalamiga ah Ee la siiyey ra’iisul wasaaraha Itoobiya

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya,ayaa Axadii lagu guddoonsiiyay magaalada Rome billad sharafeedka hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ee loo yaqaanno Agricola.

Abiy Axmed,ayaa lagu abaalmariyey aragtida dawladdiisa, hoggaaminta, sida ay uga go’an tahay haqab-beelka cuntada iyo nafaqeynta iyo sidoo kale raadinta xalal cusub oo isku filnaansho, gaar ahaan in isku filnaansho laga gaaro qamadiga, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiskiisa Axaddii.

Hadal kooban oo uu ka jeediyay xafladda Roma ka dib markii abaalmarinta la guddoonsiiyay ayuu Abiy Axmed wuxuu ku muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay billada ay siisay hay’adda Cuntada iyo Beeraha.

Ra’iisul Wasaaraha,ayaa u mahad-celiyay Agaasimaha Guud ee Hay’adda FAO waxaana uu sheegay inay mar walba garab taagan yihiin xaqiijinta hiigsiga dalka itoobiya, gaar ahaan horumarinta Beeraha.