Hot Topics

Beesha Caalamka oo cadaadis saaraysa Siciid Deni iyo Xasan Shiikh

Beesha Caalamku,waxay Nayrobi ku yeelatay kulan ay uga arinsanayso xaalka Siyaasada Somaliya ee xiligan.

Arimaha ay isla lafa gureen,waxaa ugu weynaa..

B.Khilaafka PL iyo DFS.
T.Wax ka badalka Dastuurka Fadaraalka.

Kulankooda,waxa iskula qaateen,waxaa ugu muhiimsanaa..

B.In ay diraan wefti utaga Xasan Shiikh oo kala hadla joojinta wax ka badalka Dastuurka ilaa inta laga heshiinayo.

T.In ay wefti kalena udiraan Deni,kaasoo kala hadla Miiska wada xaajoodka siday PL ugu soo laaban lahayd.

BC ma danaynayso khilaafka PL iyo DFS in uu sii jiro,waxayna rabaan in xal laga gaaro rasmi ah.

Xasan Shiikh sababta uu uga sharqaminayo Dastuurka waxkabadalkiisa waa midan oo wuxuu rabaa in uu cadaadis khatar keeni kara ka dhigto.

JQ.