Hot Topics

Ciidamadii Eretereya Ee kala firdhay oo Puntland ku ururisay Bosaso

Saxaafada qoraysa,waxaa gadooday Ciidamadii Eretereya lagu soo tababaray ee Bosaso lagu ururshay,waa mid aan xoghayn.

Ku dhawaad 300-Askari oo ka mid ah Ciidamadii Eretereya ee Xasan Shiikh kala cayriyay,ayay PL isku soo ururisay,iyadoo Diyaarado uga soo daabushay guud ahaan Deegaamada Somalida ee ay ku kala firdheen.

Haatan,waa lakala hufayaa oo waxaa lakala saarayaa Saraakiisha iyo Askarta,kadibna,waxaa si rasmi ah loogu diiwaangelinayaa Ciidamada.

Sida wararka aan ku helayo Saldhiga Xaafuun ee Imaaraadku maalgelinayo,ayaa la dajinayaa Ciidamadaas ka yimid Eretereya.

JQ.