Waa muhiim in dib loo soo celiyo Hawlgalkii Afmeer Ee Gobolka Bari?

Afmeer Gobolka Bari,waa in lasoo ceshaa hadii la rabo amniga in Gacanta lagu dhigo.

Afmeer,waxay qabteen Shaqo adag oo la mahdiyay mudadii ay hawlgalayeen,waxay ka duuli jireen xogo wardoon,iyagoo toos u abaari jiray kooxaha Nabad-diidka,isla markaana Xubinta ay Gacanta ku dhigaan ku shaqayn jiray oo ku daban jiray Unugta oo dhan.

Afmeer Nabad-diidkii Gobolka Bari ka hawlgali jiray ee haatan la ama Sharciga la mariyay,iyaga,ayaa soo qabtay,waxaana ka mid ahaa Shabakadii weynayd ee banaanka soo dhigtay xogta dilalkii haldoorka Gobolka.

Afmeer,waxay wada shaqayn xoog leh la lahaayeen Ciidamada PISF oo wixii awooda soo qabashada ah uqaabilsanaa markay xuuraankooda soo dhamaystirtaan.

Afmeer Bari,waa la burburiyay,waxaana iska kaashaday kala diristeedii Masuuliyiinta Gobolka ee iskugu jira Maamul iyo Ciidan.

Maalmaha soo socda,waxaan idinla wadaagi doonaa xogaha Masuuliyiintaas iyo ujeedka ay uburburiyeen Afmeer Bari.

JQ.