Puntland:-Wasiir ku xigeeno dhawr ah oo loo dhaariyay xilalka

Garoowe: 26 March 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta Wasiir Ku-xigeenka
Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyadoo ay dhaarisay Maxkamadda Sarre.

Xubnaha la dhaariyey saaka ayaa kala ah:-

1. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Wasaaradda Caafimaadka Dr Cabdirashiid Xassan Jaamac.

2. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Faarax Maxamuud Aw-Cismaan.

Madaxweynaha ayaa Wasiiradda alle uga baryay in uu u fududeeyo xilka, wuxuuna kula dardaarmay sida ugu wanaagsan inay u gutaan waajibaadka loo igmaday.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.