Maxaa ka khaldan Shirkada BOEING Ee samaysa Diyaaradaha Rakaabka?

Hay’adda maamusha duulimaadyada Mareykanka ee FAA,ayaa baaris xooggan ku haysa Shirkadda diyaaradaha rakaabka soo saarta ee BOEING.

FAA,ayaa dhowaan amartay in baaris lagu sameeyo warshadda shirkadda Boeing ay ku leedahay magaalada Seattle, halkaasi oo lagu farsameeyey diyaaradaha 737 Max.

Tani,ayaa ka danbeysay ka dib markii diyaarad nooca 373 Max ah uu albaabkeedu go’ay xilli ay hawada ku jirtay.

Dhacdadan,ayaa saameyn adag ku yeelatay Shirkadda.

Sidoo kale,waxaa iscasilay Madaxii Shirkada Dave Calhoun,isagoo sheegay in uu go’aankiisa tahay Shaqo ka tagida,waxaase jira warar sheegaya in lagu cadaadiyay kadib fadeexado isdaba joog ah oo ku dhacay Shirkada iyo Farsamadeeda Diyaaradaha.

BOEING,waa mid ka mid ah Labada Shirkadood ee haysta Suuqa samaynta Diyaaradaha Rakaabka ah ee loogu kalsooni badan yahay caalamka oo idil,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka