Senegal oo yeelanaysa Madaxweyne cusub oo Da’a yar

Bassirou Diomaye Faye waxa uu ku guuleystay madaxnimada dalka kadib Ousmane Sonko, oo u ayiday inuu beddelo.

Bassirou oo 44 sano jir ah,ayaa lagu wadaa in uu noqdo Madaxweynaha ugu da’da yar ee Senegal ka taliya ka dib markii ninkii la tartamayay ee doorashada madaxtinnimada uu aqoonsaday guushiisa Isniintii.

Waxaa xabsiga laga sii daayay 14-kii Maarso,isla markiiba isaga iyo xulafadiisu waxay bilaabeen olole dabeylo wata oo ay ku farxeen dadweynaha Senegal, kuwaasoo ku dhawaaqayay “Sonko mooy Diomaye, Diomaye mooy Sonko”, ama “Sonko waa Diomaye, Diomaye waa Sonko”.

Faye – oo aan waligiis qaban Xafiis la doortay,ayaa u ballan qaaday bulshada Senegal isbeddel qoto dheer iyo inuu aad u taageeri doono garabka bidix ee siyaasadda pan-Africanism-ka.

Waxa uu wacad ku maray in uu dib ugala xaajoon doono qandaraasyada shidaalka iyo kalluumeysiga ee shirkadaha gaarka loo leeyahay ay haystaan.

Sidoo kale,wuxuu sheegay in uu samayn doono Lacag cusub oo Qaran oo lagu beddelo lacagta senegal ee franc-ka taas oo uu ku dhaleeceeyay ra’iisul wasaarihii hore Amadou Ba.