Maxaa looga xaajoonayaa kulanka deg-dega ah Ee Golaha Wasiirada DFS?

Shirka Golaha Wasiirada Fadaraalka ee Berri layskugu yeeray,waxaa looga xaajoonayaa Qodob ku saabsan Shidaalka.

Heshiiskii Shidaal baarista ee ay la gashay Wasaarada Macdanta iyo Batroolka Shirkada Maraykanka ah,ayaa lagu ansixinayaa.

Heshiiskan horay,waxaa uburiyay Ra’isalwasaaraha DFS Xamse,kadib markii MW Xasan ka hor yimid,balse haatan,waxaa is afgartay Wasiirka Macdanta iyo MW Xasan oo markii hore si weyn iskugu dhacsanaa.

Diidmadii Xamse,waxay noqonaysaa,waxaan macno lahayn oo awalba ka timid Xasan,waana arimaha muujiya sida Xaafiiska RW uyahay Xaafiis Xoghayn ahaan ugu adeega MW Xasan.

Golaha Wasiiradu Maalinka Berri foog ah si buuxda ayay umeelmarinayaan heshiiska Shidaal ee lala galay Shirkadaas,kadib isfahanka MW Xasan iyo Wasiirka Batroolka.

 

*Soonqaad Wanaagsan*

Mudanayaal iyo Marwooyin.

*Shir degdeg ah*

Arbaco Maarso 27,2024

Waxaa Golaha Sharafta leh ee Xukuumadda lagu war-gelinayaa in berri *2:00pm* si buuxda ay ugu soo qeybgalaan 𝘚𝘩𝘪r degdeg ah oo looga arrinsanayo howlo muhiim u ah Qaranka.

Waqtiga: 2:00PM(Duhurnimo).
Goobta: Hoolka Shirarka Golaha.

Mahadsanidiin.

Agaasimaha Golaha Wasiirrada
Maxamed Cabdiraxmaan BB.

JQ.