Golaha Wasiirada cusub Ee Puntland oo yeeshay kulankoodii ugu horeeyay

Garoowe: 27 March 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor,ayaa Shir-guddoomiyey Shirka xogsiinta iyo howlgelinta Golaha xukuumadda cusub ee Dowladda Puntland oo maanta ku qabsoomay xarunta Madaxtooyada.

Golaha xukuumadda ee cusub ayaa Shirka lagula wadaagay, hanaanka wadashqeyn ee Dowladda, Habraacyada heer walbo, Guddiyada loo kala qeybiyay Golaha, Mashaariicda iyo shuruudaha Dowladda Puntland ee la waafijiyo, sida ay u shaqeeyaan adeegyada danbeysan ee Wasaaradaha sida Khasnada Mideysan, Adeega Goluhu ku xiriiro ee E-cabinet, sida ugu wanaagsan ee loo isticmaalo warbaahinta iyo Hab-Maamulka heer walbo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Golaha cusub Kula dardaarmay in ay bulshadooda ugu adeegaan sida ugu wanaagsan ee ay awoodaan. Isagoo u rajeeyay in Allaah u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND