Bangiga Ganacsiga Itoobiya oo Lacag Malaayiin ah si khaldan loogala baxay

Dalka Itoobiya waxaa ka socda dadaal uu dib ugu soo ceshanayo bankiga ugu weyn dalkaas lacag si khaldan ay dad ugala baxeen xisaabaadkooda, ka dib markii nidaamka bankiga ee farsamo ahaan kaligiis is maamula uu khalkhal ku yimid, waxayana taasi keentay in la xisaabin waayo caddadka lacagaha lagala baxay akoonnada oo ay dadku la baxeen lacago ka badan intii akoonnada ugu jirtay.

Sida ay qortay wakaaladda wararka AP, bankiga ganacsiga ee Itoobiya wuxuu iminka dib u soo ceshtay in ka badan 80% lacagtii sida khaladka ah kaga luntay dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay, taasoo ay keentay cillad farsamo.

Abe Sano oo ah guddoomiyaha bankiga ayaa u sheegay warfidiyeenka in ilaa 14 malyan oo Doollar lagala baxay bankiga ama loo wareejiyey baanan kale muddadii ay cilladaas farsamo jirtay, waxayna taas meesha ka saaraysaa wararka sheegaya in bankiga ay ka luntay 40 Malyan oo doollar.

Wuxuu sheegay in Lacagaha sida tooska ah loola baxay ay u dhaxeeyaan 9 senti ilaa iyo 5,350 doollar, kuwaasoo ay la baxeen dad tiradooda lagu qiyaasay 15,000 oo Qof oo ka faa’iidaysanaya cilladda farsamo ee nidaamka bankiga muddadii ay socotay shaqada caadiga ah ee mar kasta laga qabto hanaanka bankiga uu ku shaqeeyo.

Sida laga soo xigtay barta Statista, bankiga ganacsiga ee Itoobiya ayaa ah kan ugu weyn Afrikada bari marka laga hadlayo hantida uu bankigaas leeyahay ilaa 2022. Hantidiisa ayaa lagu qiyaasay ilaa 23 Bilyan oo Doollar.

Xigasho:-BBC.