Ruushka oo hor istaagay Gudiga kormeerka Cunaqabataynta Hubka Ee K.Waqooyi

Guddiga,ayaa toddobaadkii hore sheegay in ay baarayaan in Ruushku jabiyay qeynuunka iyagoo hub ka soo iibsaday Kuuriyada Waqooyi sida gantaalada meelaha fog gaarah si ay ugu adeegsato Ukraine.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabateyn saaray Pyongyang ilaa 2006-dii barnaamijkooda Nukliyerka.

Codeyntii Golaha ammaanka ee khamiistii, Ruushka,ayaa diidamada Fiito u adeegsaday si ay joojiyaan in dib loo cusbooneysiiyo cunaqabteynta iyadoo 13-ka kale ee Golaha ay u codeeyeen marka laga reebo Shiinaha oo aad ugu dhow Pyongyang kaas oo ka aamusay.

Mareykanka, UK, Kuuriyada Koonfureed iyo isbahaysiga reer galbeedka,ayaa dhaleeceeyay diidamada Ruushka.

Waa markii ugu horeysay Ruushka ay hor’istaagaan gudigan kaas oo sanad kasta Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ay cusbooneysiinayeen muddo 14 sano.