Wararkii ugu danbeeyay Daadadka ku dhuftay Jabuti

Dalka Jabuuti waxaa ku dhuftay daadadkii ugu saameynta badnaa ee dalkaasi soo mara, waxaana la arkay biyo fara badan oo qulqulaya wadooyinka magaalaooyinka kala duwan ee dalkaasi.

Baraha bulshada ayaa lagu arkay kooxaha badbaadada oo gurmad u fidinaya dhowr qof oo ay biyuhu qaadeen, iyadoo ay jirto tiro dhimasho ah oo aan badneyn, walow dadka ugu badan la soo badbaadiyay.

Gobolka Carta ayey ka dhacday dhimashada, hase yeeshee daadadka badankood ayaa lagu arkayay gudaha magaalada caasimadda ah ee Jabuuti.

Kooxaha gurmadka ayaa saacado badan baadi goobayay mid ka mid ah dadka dhintay oo ugu dambeyn meydkiisa la helay, iyadoo xilligaasi ay roobab mahiigaan ah ka da’ayeen gobollada iyo deegaannada ku hareereysan gobolka Carta.

Sida uu sheegay Taliye Xasan Ibraahim Ismaaciil oo ah madaxa samatabixinta ee Hay’adda iyo Ilaalinta Rayidka, kooxaha gurmadka ayaa aad ugu dadaalaya sidii ay u badbaadin lahaayeen dadka ay daadadku la tagaan.

Duqa Jabuuti Siciid Daa’uud Maxamed,ayaa sheegay in Jabuti ay la kulantay Roobab mahiigaan ah, taasina ay keentay in magaalada ay biyo badan dhex qul qulaan.

“Tiro rasmi ah oo ku geeriyootay weli ma hayno, dad badan ayaa isbitaallada la geeyay oo diyaarado lagu daad gureeyay, waxa aan galnay shir deg deg ah, si xaaladda aan gurmad deg deg ah u gelinno, haddeerna heegan ayaan nahay.