Faallo:-Yaa Xasan ku taageeraya qorshihiisa ku falaadida Dastuurka?

Madaxweynihii ugu liitay taariikhda Somaliya,ayuu noqon doonaa Xasan Shiikh oo xataa,wuxuu ka hoosayn doonaa Cabdiqaasim oo degi waayay Villa Somaliya oo Beeshiisu haysatay.

Qorshahan haatan Xasan wado oo ku falaado Dastuurkii Wadanka ee laysla ogolaa,waxaa ku taageeraya Laba koox Diimeed oo kala ah…

B.Al islaax.
T.Aala Shiikh.

Ujeedka ay Xasan garab ugu siinayaan ku falaadida Dastuurka,waa in ay abuuraan qorshe iyo nidaam cusub oo Somaliya lagu maamulo oo iyaga ka yimid.

Kooxahan,waxay ku kala jiraan Labada Xisbi ee Damjadiid iyo Daljir.

Dastuurkii Dalka,waxay rabaan in uu noqdo mid Qof u adeega oo awood buuxda siiya Madaxweynaha,waxayna meesha ka saarayaan awoodiihii Baarlamaanka,fulinta iyo Garsoorka ee is dheelitirayay,waase waxaan soconayn oo Somalidu diiday.

JQ.