Hot Topics

Xasan Shiikh oo ku sameeyay magacaabis kooban Golihisa Wasiirada

Wasiirada ay Magacowday Dowlada sharciyada lumisay ee Xamar,ayaa kala ah…

1. Ahmed Macalin Fiqi, wasirka arrimaha dibadda

2. Cali Yuusuf Xoosh, wasiirka arrimaha gudaha iyo
dib-u-heshiisiinta

3. Jeneraal Cabdullaahi Fartaag, wasiirka amniga
gudaha

4. Cabdullaahi Bidhaan Warsame ,Wasiirka Tamarta iyo Biyaha.

5. Maxamed Aadan Macalin (Maxamed Soomaali) Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta.

6. Axmed Cumar Maxamed, Wasiiru Dowlaha
Isbedelka Cimilada.

Ragga la magaacay,waxay ahaayeen Xildhibaanadii shuruuda looga dhigay in Wasiiro la siinayo haday meel mariyaan Dadtuurkii Xasan samaystay.

Si gaar ah kuwa kasoo jeeda Beesha Daarood in mudo ah,ayaa laga hayay boosaskooda oo ay banaanaayeen si loogaga badasho dano Xasan lahaa oo ay ugu weynaayeen Dastuurka.

Dad badan,ayaa qaba in aysan macno lahayn Wasiir in laga noqdo Dowlad Sharciyad lumisay oo matalaadeedu hoos udhacday kuna jirta maalmaheedii ugu danbeeyay.

 

JQ.