Hot Topics

Iran ku jabtay weerarkii ay ku qaaday Israa’iil

90% wax alaale iyo waxay soo tuurtay Iran Dhulka,ayaa la dhigay waliba,iyagoon soo gaarin Ciida Israa’iil intooda badan.

Tani,waxay ahayd tijaabo ay samaysay Israa’iil oo ay ku muujisay awoodeeda difaaca Cirka,waxayna tustay caalamka awood ka saraysa Iran.

Israa’iil si weyn ayay ugu diyaar garowday dagaal toos ah oo ay la gasho Iran marka laga soo tago kan dadban ee ay Iran taageerto ee Qasa,Yemen,Siiriya,Lumnaan iyo Iraq.

Xalay,waxaa la xaqiiqsaday in Iran aysan awood ulahayn burburinta Israa’iil,waana wal wal ka haray reer Gslbeedka iyo fashil ku yimid Shiicada iyo Taliskooda xagjirka ah.

Aduunku si weyn,ayuu uga carooday talaabada Iran,waxayna u arkeen Wadamada kooban ee xiriirka dhow la lahaa in ay samaysay qar iska xoornimo.

Israa’iil waxay unoqotay fursad umidaysay gudaha Shacabkeeda iyo banaanka hiilka uga imaanaya,waxayna heshay Saanad Mileteri oo ay ku heli wayday dagaalka Qasa.

Maraykanka iyo UK oo ugu horeeya kuwa dhabarka ka taagan Israa’iil,waxay u ahayd farxad in Iran awoodeeda rasmiga ah ay ogaadeen,isla markaana dagaalkii ay ka baqayeen ee weynaa uusan dhicin.

Reer Qasa weerarka Iran,wuxuu ku yahay dhabarjab oo wuxuu ilowsiiyay Aduunka,wuxuuna ka lumiyay taageerada Seneterada Kongarayska Maraykanka qaarkood,Siyaasiyiin iyo Ururo Bulsho oo reer Galbeed ah oo markii hore ka hor yimid dagaalka Qasa.

Isku soo wada duuboo weerarkii Xalay Iran maraduu ka fayday,waana ku fashilantay halka Israa’iil ay ku muujisay awoodeeda Milleteri kuna kasbatay taageero Diblomaasi iyo mid Milleteri.

 

JQ.