Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»60 xubnood oo Daacish looga dilay dagaalka Miraale
    Puntland

    60 xubnood oo Daacish looga dilay dagaalka Miraale

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 18, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal culus oo maanta ka dhacay Togga Miiraale, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Difaaca Dowladda Puntland iyo maleeshiyaadka firxadka ah ee argagixisada Daacish.

    Dagaalka oo qaatay ilaa 10 saacadood ayaa lagu dilay tiro kabadan 60 xubnood oo argagixisada Daacish, kuwaas oo meydadkooda daadsan yihiin goobihii lagu dagaalamay.

    Dhanka ciidamada Puntland – 18 askari ayaa ku geeryooday, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 30 Askari, dagaalka oo ahaa mid kamid ah kuwii ugu cuslaa ee lala galo argagixisada Daacish, tan iyo markii uu bilowday howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland.

    Saddex kamid ah ceelasha 4 ah ee ku yaalla Togga Miiraale ayaa ciidamadu qabsadeen, tan oo ka dhigan hor u socod weyn oo laga sameeyay goobaha dagaalka.

    Caawa, saaxiibada caalamiga ah ee Puntland ka taageerayay howlgalka ayaa bilaabay duqeymo, iyadoo ciidamadu ay gulufka dagaal sii wadi doonaan.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    March 25, 2026

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.