Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»9 qof oo ku dhimatay gaari lagu jiirsiiyay Toronto
    Somalia

    9 qof oo ku dhimatay gaari lagu jiirsiiyay Toronto

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 23, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sagaal qof ayaa dhimatay lix iyo toban kalana waxaa soo gaaray dhaawacyo kaddib markii nin u muuqanayo inuu si ulakac ah gaari u jiirsiiyay dad marayay hareeraha waddo aad u mashquul badan oo ku taal magaalada Toronto ee waddanka Canada, booliska ayaa sidaasi sheegay.

    Darwalka waday gaariga dadka la jiirsiiyay ayaa waxa uu isaga baxsaday goobta, hasayeeshee waxaa lagu qabtay meel aan sidaasi goobta uga fogeyn xabsiga ayaana loo taxaabay.

    Mas’uuliyiinta ayaa sheegaya in aanay weli ogaan sababta qofkaasi laga shakisan yahay ku dhalisay inuu weerrarkan gaysto.

    Qof ka mid ah dadkii goobtaasi joogay ayaa sheegay in gaarigu uu ku socday xawaare aad u sarreeya.

    Wasiirka Badqabka Dadweynaha ee Canada, Ralph Goodale, ayaa dhacdada ku tilmaamay inay tahay mid khatar ah hasayeeshee waxa uu diiday inuu ka hadlo waxa sababay arrintan.

    Kuxigeenka taliyaha booliska Toronto, Peter Yuen, ayaa sheegay in boolisku uu baarayo darawalkii waday gaariga, waxa uuna codsaday in dadkii goobjoogayaasha ah ay la soo xiriiraan.

    Weerarka ayaa ka dhacday dhabaha Yonge iyo wadada Finch saacaddu markii ay aheyd 1:30 duhurnimo xilliga Canada, ilaa 2 km ayuuna weerrarku ka dhacay.

    Meel halkaasi u jirta 30 km ayaa waxaa ku shirayay wasiirrada arrimaha dibedda ee dalalka ku midoobay G7 ee ku hormuray warshadaha, kuwaas oo ay ka mid yihiin Canada, Mareykanka, Britain, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo Japan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    August 25, 2025

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.