Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Jabuuti oo naqdisay hadal kasoo yeeray Jeneraal Mareykan ah
    Somalia

    Jabuuti oo naqdisay hadal kasoo yeeray Jeneraal Mareykan ah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 14, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Jabuuti ayaa maanta sheegtay in dhulkeeda aan loo adeegsan doonin “farogelin dagaal” oo lagu sameeyo dalalka deriska la ah.

    Hadalkan ayaa yimid kadib markii Jeneral ka tirsan ciidamada Mareykanka uu wareysii uu siiyey BBC-da walaac uga muujiyey saameynta uu dagaalka Ethiopia ku yeelan karo gobolka, islamarkaana ciidamada Mareykanka ee Jabuuti “ay diyaar u yihiin inay ka jawaabaan xasaradda.”

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamuud Cali Yuusuf ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku yiri “Jeneraal Willilam Zana, taliyaha saldhigga Lemonier [ee Jabuuti], wuxuu wareysi uu siiyey BBC-da ku sharxay sida ciidamada Mareykanka ee ku sugan Jabuuti ay u fuliyaan howlgallo lagula dagaalamayo argagixisada iyo ilaalinta muwaadiniintooda haddii loo baahdo daad-gureyn.”

    “Dadka qaar ayaa walaac ka muujiyey in dhulka Jabuuti loo adeegsanayo farogelin dagaal oo lagu sameeyo dalalka deriska la ah. Tani ma dhici doonto sababtoo ah dowladda Jabuuti waxaa ka go’an xiriirka ay la leedahay deriskeeda.”

    Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in Jabuuti ay qadarineyso iskaashiga muhiimka ah ee ay la leedahay Mareykanka, “ayna hubanti tahay in iskaashigan aanu aheyn mid ka dhan dal kasta oo ay noqoto.”

    Saldhigga ciidamada Mareykanka ee Jabuuti ayaa inta badan loo adeegsadaa in laga qaado weerarada iyo howlgallada ka dhanka argagixisada, oo laga fuliyo meelo ay ka mid tahay Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    June 28, 2025

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025
    Latest Posts

    X9G:-Safarka Madaxweyne Deni Ee Gobolka Mudug

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.