Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Uganda iyo Congo oo si wadajir ah u qaaday weerarro ka dhan ah maleeshiyada Daacish
    Somalia

    Uganda iyo Congo oo si wadajir ah u qaaday weerarro ka dhan ah maleeshiyada Daacish

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 30, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dalalka Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa Talaada maanta ah si wadajir ah duqaymo cirka iyo madaafiicda ah uga fuliyay bariga Congo, kuwaas oo lala beegsaday malayshiyaadka taabacsan Daacish ee loo yaqaan Allied Democratic Forces (ADF), sida ay xaqiijiyeen labada dal.

    Afhayeenka ciidamada Uganda Flavia Byekwaso ayaa sheegtay in wali aysan faahfaahin ka bixin karin weeraradaasi, balse ay diyaarinayaan soo gudbinta macluumaadka la xiriiraa duqeymahan.

    “Sida la shaaciyay, howlgalka wadajirka ah ee lala beegsaday ayay ciidamada Uganda maanta ku bilowdeen duqeymo cirka ah iyo rasaas ka timid Uganda oo lagu beegsaday fariisimaha argagixisada ADF ee DRC,” ayuu ku yiri farriin uu soo dhigay bartiisa Twitterka afhayeenka xukuumadda Congo Patrick Muyaya.

    Daacish ayaa sheegtay in xubno ka tirsan oo jooga guda dalalkaas ay ka dambeeyeen weerarkii Kampala ee 16-kii November lagu dilay toddobo qof oo ay ku jiraan saddexdii is qarxiyay, ayna ku dhaawacmeen tobaneeyo kale.

    Mid ka mid ah madax dhaqameedka iyo qof kale oo deegaanka ah ayaa sheegay inay maqleen qaraxyo subaxnimadii Talaadada ka dhacay dhulka Watalinga, ee waqooyiga gobolka Kivu, ee xuduudka bari ee Congo.

    Julien Ngandayabo oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa tiri “Argagax dhab ah ayaa ka jira halkan, gaar ahaan guriga dhexdiisa, sababtoo ah nalooma soo sheegin xaaladdan.” “Dhib badan ayaan kala kulanay ADF, kuwaas oo xasuuqay qoysaskeena, waxaan sugeynaa in tani xal tahay.” yay sii raacisay.

    Isniintii, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ayaa diiday inay oggolaato hawlgallo wadajir ah oo ay Uganda la sameyso si ay u baacsato ADF, iyadoo ku adkaysatay inay wadaagayaan oo keliya xogta.

    Reuters.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland:-Shirweynaha maamul-baahinta Dowladda Puntland oo furmay

    June 29, 2025

    Gaas oo loo magacaabay Wakiilka Midowga Afrika Ee Koonfurta Sudan

    June 29, 2025

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    June 28, 2025
    Latest Posts

    Puntland:-Shirweynaha maamul-baahinta Dowladda Puntland oo furmay

    Gaas oo loo magacaabay Wakiilka Midowga Afrika Ee Koonfurta Sudan

    X9G:-Safarka Madaxweyne Deni Ee Gobolka Mudug

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.