Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Gambia oo mudo xileed kale uu hogaaminayo Barrow
    Somalia

    Gambia oo mudo xileed kale uu hogaaminayo Barrow

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 6, 2021Updated:December 6, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Gambia Adama Barrow ayaa si fudud ugu guuleeystay doorashadii madaxtinimo ee Satidii ka dhacday dalkaai ku yaala dhinaca galbeed ee qaaradda Africa.

    Natiijada doorashada oo ay Axaddii shalay shaaciyeen guddiga doorashada ayaa waxaa markiiba qaadacay musharraxiinta ka socday mucaaridka, kuwaas oo la filayo in ay loolan dhanka sharciga ah geliyaan Adama Barrow kahor inta uusan billaabin muddo xileedkiisa labaad.

    Doorashadan ayaa aheyd tii ugu horreeysay oo xor ah oo Gambia ka dhacda muddo 27 sano ah, iyada oo uusan dalka joogin madaxweynihii hore ee Yahya Jammeh, oo hadda masaafuris ugu nool dalka Equatorial Guinea, kadib markii uu diiday natiijada doorashadii isaga looga guuleystay sannadki 2016-kii, ee uu kusoo baxay madaxweyne Barrow.

    Muddo xileedki koowaad ee Adama Barrow ayaa ahaa mid ay shacabku bogaadiyeen, hase yeeshee waxaa hareeyay isbadallada dhaqaale ee uu keenay Coronavirus, kaas oo dhaawacay dhaqaalaha Gambia oo ku tiirsan dalxiiska, dhoofinta lowska iyo kalluunka.

    AFB.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland:-Shirweynaha maamul-baahinta Dowladda Puntland oo furmay

    June 29, 2025

    Gaas oo loo magacaabay Wakiilka Midowga Afrika Ee Koonfurta Sudan

    June 29, 2025

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    June 28, 2025
    Latest Posts

    Puntland:-Shirweynaha maamul-baahinta Dowladda Puntland oo furmay

    Gaas oo loo magacaabay Wakiilka Midowga Afrika Ee Koonfurta Sudan

    X9G:-Safarka Madaxweyne Deni Ee Gobolka Mudug

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.