Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Deni oo maqaam sare loogu soo dhaweeyay Baydhabo
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Deni oo maqaam sare loogu soo dhaweeyay Baydhabo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 19, 2021Updated:December 19, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Baydhabo: 19 December 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Baydhabo, xarunta ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, halkaasi oo uu kaga qeybgalayo munsaabadda sanad-guurada 3-aad ee kasoo wareegatay markii la doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

    Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa waxaa kusoo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha Shaati-gaduud ee Baydhabo, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cali Siciid Fiqi, xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada magaalada Baydhabo.

    Soo dhoweynta kadib Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ay weheliyaan Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonur Galbeed Mudane Axmed Cabdikaariye Qoorqoor iyo Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, ayaa wadajir ula hadlay Warbaahinta, waxaana Madaxweynaha Puntland uga mahadceliyay Dowladda iyo Shacabka Koonfur Galbeed sida wanaagsan ee ay usoo dhoweeyeen wufuuda ka kala socota Puntland, Galmudug iyo dadka kale ee halkan lagu martiqaaday.

    Wafdiga Madaxweynaha Dowladda Puntland waxaa ka mid ah Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Puntland Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, xubno ka mid ah senatarada cusub ee Puntland ku metelaya Aqalka Sare ee Soomaaliya, xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda Puntland, la taliyeyaal iyo Saraakiil Madaxtooyo.

    DHAMMAAD

    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.