Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»SAAXIIBADA BEESHA CAALAMKA WAXAY KU BAAQAYAAN IN ISXAKAMAYN IYO WADAHADAL IYO IN DIB DIIRADDA LOO SAARAO DOORASHADA
    Somalia

    SAAXIIBADA BEESHA CAALAMKA WAXAY KU BAAQAYAAN IN ISXAKAMAYN IYO WADAHADAL IYO IN DIB DIIRADDA LOO SAARAO DOORASHADA

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 27, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Muqdisho – Saaxiibada beesha caalamku* waxay iyagoo aad uga walaacsan si dhow ula socdaan xaaladda taagan iyo waxyaabaha ku soo kordhay siyaasadda. Waxaan madaxda Soomaaliya ugu baaqaynaa inay danta dalka ka hormariyaan wax walba, ayna dejiyaan xiisadda siyaasadeed ee kacsan, iyo inay ka joogsadaan daandaansiga ama adeegsiga xoogga oo wiiqi kara nabadda iyo xasilloonida.

    Saaxiibada beesha caalamku waxayn marar badan ku celceliyeen walaac isa soo taraya ay ka muujiyeen wax isdaba marin xagga habraaca iyo dib u dhaca hannaanka doorashada Soomaaliya. Waxa lagama maarmaan ah in degdeg ah loo hirgeliyo heshiisyadii 17 Sebtembar 2020 iyo 27 May 2021, ee saldhigga u ah doorashooyinka iyadoo aan lagu sameyn wax carqalad dheeri ah.

    Kulan ay yeeshaan Golaha Wadatashiga Qaran sida ugu dhakhsiyaha, oo ay weheliyaan wadtashiyada kale ee dhexmaraya saamilleyda muhimka ah, ayaa si degdeg ah loogu baahan yahay si loo dardargeliyo loona hagaajiyo geedi socodka, doorashadana loogu soo gunaanado si degdeg ah oo lagu kalsoonaan karo, taasoo heli doonta kalsoonida dadka Soomaaliyeed.

    *Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Holand, Norway, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykan

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    October 29, 2025

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    October 29, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    October 29, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    Maalinta dalxiiska Puntland oo sanadkan lagu qabtay Xeebta Mareero

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.