Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland oo ka hadashay iscasilaada Gudoomiyihii G.Doorashooyinka
    Somalia

    Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland oo ka hadashay iscasilaada Gudoomiyihii G.Doorashooyinka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 3, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland iyadoo ka xun iscasilaadda Guddoomiyaha iyo Kuxigeenka Guddiga Doorashooyinka Kumeelgaarka ah ee Puntland (TPEC), waxay Ummadda Puntland, guud ahaan Soomaali iyo Daneeyaasha Barnaamijka Dimuqraadiyeynta Puntlandba u caddeynaysaa in Geeddi socodka Dimuqraadiyeynta Puntland uu yahay hadaf ku dhisan heshiis bulsho, Dowladda Puntlandna u idmantahay ka guul gaarista hirgelintiisa. Sidaa darteed, iscasilaadda Madaxda Guddiga Doorashooyinka ma ahan mid saameynaysa ka go’naashaha dadka iyo Dowladda Puntland in laga guul gaaro hirgelinta iyo dhammeystirka Doorashooyinka hal qof iyo hal cod.

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay Guddoomiye Guuleed Saalax, Kuxigeenkiisa Jaama iyo dhammaan Xubnaha Guddigaba uga mahad celinaysaa hawl karnimadii horseeday qabsoomidda doorashooyinkii horudhaca ahaa ee Ufeyn, Qardho iyo Eyl. Qorshaha dhammeystirka Doorashooyinka Degmooyinka dhiman wuxuu u soconayaa sidii loogu talo galay inshaAllaah.

    Guul iyo Gobonimo

    Xafiiskiisa Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arimaha Gudaha DPL.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.