Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Lix qof oo lagu dilay weerar lagu tuhunsan yahay Al-shabaab
    Somalia

    Lix qof oo lagu dilay weerar lagu tuhunsan yahay Al-shabaab

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 3, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ugu yaraan lix qof ayaa lagu dilay weerar la aaminsan yahay in kooxdaa Al-shabaab ay maanta ka geysatay gobolka xeebta ah ee Lamu ee dalka Kenya, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dowladda Kenya.

    Weerarkan ayaa sidoo kale lagu gubay guryo, sida ay qortay wakaaladda wararka ee AFP.

    β€œWaxaan xaqiijinayaa in weerar lagu tuhmayo Al-Shabaab lagu soo qaaday halka loo yaqaano Widhuu, waxaana ku dhintay lix qof. Mid waa la toogtay, sidoo kale waxaa la gubay kuwa kale” ayuu yiri Guddoomiyaha Lamu Irungu Macharia.

    β€œCiidamadeenna amniga ayaa ku daba jira, waxaana ka codsaneynaa dadka deegaanka in ay gacan nagu siiyaan, waayo marka aan wada shaqeyno waan guuleysaneynaa” ayuu sii raaciyay.

    Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weeraro waaweyn ka geystay gudaha dalka Kenya, iyagoo sida ay sheegeen uga aargudanaya ciidamada Kenya ay u soo dirtay gudaha Soomaaliya sanadkii 2011-kii.

    Gobolka Lamu, oo ay ku yaallaan meelaha loo dalxiis tago ee caanka ah ee Jaziirada Lamu, ayaa ku dhow xadka Soomaaliya, waxaana ka dhaca weeraro joogto ah, oo inta badan loo adeegsado qaraxyo lagu aaso waddoyinka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    October 29, 2025

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    October 29, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    October 29, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    Maalinta dalxiiska Puntland oo sanadkan lagu qabtay Xeebta Mareero

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    π€π£πšπ§ππšπ‘πš 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“πŸ•-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ€π’π’π₯π₯𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰π₯𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.