Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muxuu yahay qorshaha qarsoonaa Ee Ruushka ka fashilmay?
    Somalia

    Muxuu yahay qorshaha qarsoonaa Ee Ruushka ka fashilmay?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 4, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ruushka,ayaa qorsheynaya qorshe been abuur ah oo uu marmarsiiyo uga dhigto duullaan uu ku qaado Ukraine, isagoo si been abuur ah ugu eedeynaya ciidamada Ukraine inay weerar ku qaadeen kooxaha goonni u goosadka uu Ruushka taageero ama Ruushka laftiisa, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.

    Arrimaha la sheegay in Ruushka uu ka fiirsanayo inuu soo bandhigo waxaa ka mid ah baahinta weerar been abuur ah, iyadoo sawirro muuqaal ah oo ku aaddan qaraxyo iyo falal ay ka dhasheen khasaare badan a abuurayo si markaana Ruushku uga jawaabo falalkaas qiilna ugu helo weerarkiisa dalkaas.

    Saraakiil sar sare oo ka tirsan maamulka Mareykanka ayaa sheegay in howlgalka la sheegay in ay qorsheynayaan laamaha ammaanka ee Ruushka, uu muujin doono muuqaalada dadka rayidka ah ee lagu laayay magaalada Donbas ee bariga Ukraine, si ay abuuraan caro ka dhalato maamulka Ukraine.

    Tan waxaa markaas loo isticmaali karaa in lagu marmarsiiyoodo weerar lagu qaado Ukraine, ayay yidhaahdeen saraakiisha.

    Qorshaha waxaa ka mid noqon kara in la sameeyo oo la duubo weerar been abuur ah, sida ay sheegeen.

    Waxay muujin doontaa meydadka iyo meelaha la burburiyay, qalabka militariga ee Ukraine ee been abuurka ah, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkigu sameeyay iyo jilayaasha ciyaaraya baroor-diiqyo ku hadla afka Ruushka, ayay yidhaahdeen.

    Laakiin saraakiishu waxay carabka ku adkeeyeen in tani ay tahay mid ka mid ah fursadaha uu Ruushku ka fiirsanayo, waxayna sheegeen inay faafinayaan dadaal ay ku doonayaan inay “Ruushka uga dhaadhiciyaan tallaabada uu damacsan yahay”.

    Xoghayaha arrimaha dibadda ee UK Liz Truss ayaa sheegtay in sirdoonka Maraykanku “ay hayaan cadaymo cad oo naxdin leh oo muujinaya gardarrada aan loo meel dayin ee Ruushka iyo dhaq-dhaqaaqyada gacmahooda ee lagu khalkhal gelinayo xasiloonnida Ukraine”.

    “Ujeedadan doonista ee ku wajahan waddan madaxbannaan oo dimuqraadi ah waa wax aan gebi ahaanba la aqbali karin, waana ku cambaareyneynaa sida ugu macquulsan. UK iyo xulafadayadu waxay sii wadi doonaan inay soo bandhigaan khiyaanada iyo dacaayadda Ruushka ,” ayay ku tiri hadal.

    Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa ka jawaabay wararkaas.

    Tani maaha dacaayaddii ugu horreysay ee nooceeda ah, horeba waa u jireen,” ayuu yidhi, oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Tass. “Wax la mid ah ayaa sidoo kale horay loo sheegay, laakiin waxba kama soo bixin.”

    Dhanka kale, Safiirka Ruushka ee Midowga Yurub, Vladimir Chizhov, ayaa CNN u sheegay in Moscow aysan qorsheyneynin wax howlgalo ah oo been abuur ah si ay ugu duulaan Ukraine.

    Warka ku saabsan shirqoolka lagu eedeeyay ayaa soo baxay maalin kadib markii Mareykanka uu sheegay in uu ciidamo dheeraad ah u dirayo xulafada Nato ee Yurub.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.