Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kuraasta Beesha Cismaan Maxamuud ee Baarlamaanka Federaalka oo la asteeyey.
    Somalia

    Kuraasta Beesha Cismaan Maxamuud ee Baarlamaanka Federaalka oo la asteeyey.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 8, 2022Updated:February 8, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa isugu yeeray saddexda reer ee doonaya labada Kursi ee Beesha Cismaan Maxamuud ku leedahay Golaha Shacabka ee Hop#234 iyo Hop#228.

    Shirka Nabadoonada iyo cuqaasha Xarigyada Bah-yaaquub, Bah-gareen iyo Bah Dubeys ayaa ka dhacay Hotel Tropical.

    Boqorka iyo odoyaasha saddexda reer oo ka tirsan Beesha Cismaan Maxamuud ayaa isla qaatey in Xariga Bahgareen ay qaataan hal kursi oo baraxan oo keligood ku tartamaan kaas oo ah Dumar.

    Labada Xarig ee Bahyaaquub iyo Bah- dubeys ayaa la wadaajiyey in ay ku tartamaan hal kursi oo Nin ah.

    Warbixinta kasoo baxday Boqorka sida tan ayay uqornayd:-

    Ujeedo: Qoondeynta Kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Beesha Cismaan Maxamuud

    Maanta oo taariikhdu tahay 08 Febaraayo 2022 kuna beegan Rajab 7, 1443, waxaa magaalada Bosaso ka dhacay shir ay isugu yimaadeen odoyaasha saddexda beelood ee doonaya in ay helaan labada xubnood ee Golaha Shacabka Dowladda Soomaaliya.

    Sida la wada og yahay 275-ta xubnood ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalku waxay ku dhisan tahay hab qaybsi beelaha waxaana weli loo gudbin in deegaan lagu saleeyo kuraasta, sidaas darteed waxay ka soo bilaamataa shirkii Carta ee sanadkii 2000.

    Saddexda xarig ee tirsanaya taraha ayaa kala ah Xariga Bah Gareen, Xariga Bah Yaaquub iyo Xariga Bah Dubeys (Xariga Garoowe).

    Beesha Bah Gareen ayaa kursi ka heshey Baarlamaankii u horeeyey ee lagu soo dhisey magaalada Carta sanadkii 2000. Beesha Bah Yaaquub ayaa iyaduna heshey sanadkii 2004, halka beesha Bah Dubeys ay heleen xubin baarlamaan sanadkii 2009, labada xubnood ee Bah Yaaquub iyo Bah Dubeys waxay isla dhaceen sanadkii 2012.

    Markii la waayey xarig tanaasula, waxaan guddoominey oo cuqaasha isla qaadaney in.

    Labada xarig ee Bah-Yaaquub iyo Bah-Dubeys ay hal kursi ku tartamaan,

    Xariga Bah Gareen ayaa loo gartey in ay mudan yihiin in ay u tartamaan kursiga kale oo keligood leeyihiin.

    Maadaama haweenku ay qoondo gaar ah ku lee yihiin baarlamaanka, waxaan isla qaadaney in beesha heshey kursiga keligeed ee Xariga Bah Gareen ay qaataan qoondada Haweenka oo ay keenaan DUMAR.

    Wabilaahi Towfiiq

    Boqor Burhaan Boqor Muuse

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.