Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Afar Qof oo ay ku jiraan Ganacsato caan ah oo lagu qarxiyay Jowhar
    Somalia

    Afar Qof oo ay ku jiraan Ganacsato caan ah oo lagu qarxiyay Jowhar

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 14, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Afar qof oo rayid ah ayaa geeriyooday kadib markii Mooto Bajaaj ay la socdeen ay la qaraxday miino waddada lagu aasay, duleedka magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle.

    Qaraxan ayaa ka dhacay meel u dhexeysa magaalada Jowhar iyo garoonka diyaaradaha oo ku yaalla banaanka magaalada. Goobta uu qaraxa ka dhacay waa wadada loo maro garoonka diyaaradaha.

    Dadkan qaraxa ku dhintay marka laga reebo wadaha mootada, inta kale waxay ahayeen ganaacsato caan ka ah magaalada Jowhar. Lama oga cida lala damacsanaa qaraxan Jowhar, sidoo kalena ma jirta koox iyo illaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyadda.

    Magaalada Jowhar waxaa dhowaanahan ka dhacay doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya.

    Si kastaba, waxaa magaalada hadda ka maqan dhammaan madaxda maamulka HirShabeelle oo ku sugan magaalada Beledweyne, halkaasi oo la filayo in sidoo kale ay ka dhacdo doorashada Golaha Shacabka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.