Raβiisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa shir la yeeshay Taliyeyaasha hayβadaha ammaanka dalka iyo Ciidammada AMISOM.

Kulankaas,ayaa diiradda lagu saaray adkeynta amniga guud ee dalka, gaar ahaanna caasimadda Muqdisho.

Raβiisul Wasaare Rooble,ayaa faray hayβadaha amnigu inay xoogga saaraan dardar gelin howlgallada ka dhanka ah argagixisida ee guud ahaan gobollada dalka iyo in si gaar ah loo adkeeyo amniga caasimadda oo lagu qabanayo doorashooyinka guddoonnada Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda.


