Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muxuu yahay qorshaha cusub ee bixitaanka AMISOM ee loo gudbiyay Golaha Ammaanka? 
    Somalia

    Muxuu yahay qorshaha cusub ee bixitaanka AMISOM ee loo gudbiyay Golaha Ammaanka? 

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 9, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Golaha AMmaanka ku-boorriyay in aan la dhimin shaqaalaha howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika Soomaaliya ee AMISOM illaa dhammaadka sanadkan, sida uu ku sheegay warqad ay heshay wakaaladda wararka ee AFP Talaadadii.

    Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa ka kooban 20,000 oo askari, booliis iyo dad rayid ah, kuwaas oo loo xilsaaray inay taageeraan dowladda Soomaaliya ee dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

    Hawlgalka AMISOM ayaa ku eg 31-ka Maarso, laakiin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in 30-ka bishan March ay u codeeyaan in AMISOM lagu beddelo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

    Waraaqdda Guterres oo Isniintii loo gudbiyay Golaha Ammaanka, ayuu ku sheegay inuu doorbiday qorshe si tartiib-tartiib ah loogu dhimayo ATMIS oo ka kooban afar weji, “si awood iyo taageero loogu siiyo ciidamada amniga Soomaaliya, si ay u qaataan mas’uuliyadda koowaad ee amniga Soomaaliya dhammaadka 2023-ka”, iyadoo dhammaan ciidmada howlgalka AMISOM ay baxayaan 2024.

    Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa intaas ku daray in sida uu qorshuhu yahay, dhimista ugu horreysa ee ATMIS ee 2,000 oo askari aysan bilaaban doonin ilaa iyo wixii ka dambeeya bisha Diseembar 2022, iyada oo tirada mid ka badanna la dhimi donoo marxaladaha kale ee bixitaanka.

    “Waa muhiim in tirada askarta ee hadda jirta aan la dhimin illaa dhammaadka wejiga koowaad, si loo hubiyo in guulihii adkaa ee la gaaray la ilaaliyo, lana oggolaado dib u habeynta howlgalka, iyadoo aan la carqaladeynin amnig hadda jira,” ayuu Guterres ku sharaxay warqaddiisa.


    Iyadoo AMISOM ay si gaar ah u maalgeliyaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub, haddana warqadda Guterres ma sheegin maalgelinta gaarka ah ee howlagalka cusub ee ATMIS.

    “Waxaan ka codsanayaa beesha caalamka inay sii wadaan taageeradooda, dhaqaale ku filanna la siiyo ATMIS iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya, iyo sidoo kale in la siiyo awoodo gaar ah,” ayuu yiri Guterres, isagoo intaas ku daray inuu uga mahadcelinayo deeqaha ay xilligan saaxibada Soomaaliya ku bixinayaan.

    Hindisahan ayaa la filayay in lasoo gaba-gabeeyo sannadkii hore, laakiin khilaaf weyn oo u dhexeeyay Soomaaliya iyo Midowga Afrika dartiis ayaa dib u dhigay, iyadoo qorshahan dhawaan la isku afgartay, sida ay sheegeen diblamaasiyiintu.

    AP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.