Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ilhaan Cumar oo ka dalbatay Biden in uu abuuro Hay’ad udooda xuquuqda Muslimiinta Maraykanka
    Somalia

    Ilhaan Cumar oo ka dalbatay Biden in uu abuuro Hay’ad udooda xuquuqda Muslimiinta Maraykanka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 10, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ilhaan Cumar, oo gobolka Minnesota u matasha Aqalka Wakiillada Mareykanka (Congress), ayaa hoggaaminaysa koox u ololeyneysa in maamulka Joe Biden uu abuuro gole qaabilsan la dagaallanka Islaam-naceybka.

    Gabadhan ka tirsan xisbiga talada haya ee Dimiqraaddiga, ayaa arrintan la kaashanaysa xildhibaanno kale oo ay isku xisbi yihiin.

    Ilhan iyo kooxdeeda ayaa ugu baaqay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken inuu yagleelo xafiis gaar ah oo ka shaqeeya howshaas, xilli dembiyada la xiriira Islaam naceybka ay kusii fidayaan caalamka.

    Farriin ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay Ilhaan Cumar ku tiri: “Waa in aan ku baraarugnaa Islaam naceybka, waana in aan sameyno wixii karaankeenna ah si aan u cirib-tirno.”

    Arrintaas waa in ay qayb ka noqoto dedaalka aan u sameyno raadinta xorriyadda dhinaca diimaha ee caalamka iyo xuquuqda aadanaha.”

    “Waxaan aragnaa inuu sare u kacay Islaam naceybka, uuna ka jiro meel walba oo ka mid ah dunida. Taas ayaa ah sababta aan u wadno warqad aan la kaashannay @RepSchakowsky, annagoo dalbaneyna in la sameeyo xafiis gaar ah oo la tacaala Islaam naceybka,” ayey soo qortay.

    Warqadda loo diray Blinken ayay Ilhaan Cumar iyo 23 xildhibaan oo kale oo ka tirsan xisbiga Dimuqrdaaddiga ku codsadeen in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay ku sameyso Hay’ad la mid ah midda ka shaqeysa la dagaallanka Yuhuud naceybka, sida uu shaaciyay wargayska Daily Mail.

    “Waa la soo dhaafay waqtigii uu Mareykanka si adag ugu istaagi jiray taageerada xorriyadda diimaha kala duwan ee dhammaan dadka iyo in uu mudnaanta ay u qalanto uu siiyo dhibaatooyinka Islaam naceybka ah ee ka jira dunida,” ayaa ka mid ah qoraallada ku jira warqadda oo uu helay telefishinka CNN.

    Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in madaxweyne Biden uu dhawaan magacaabi doono qof ay shaqadiisu tahay inuu noqdo danjire si gaar ah ula socda islamarkaana la dagaallama arrimaha la xiriira Yuhuud naceybka.

    Kooxda dimuqraddiga ee dhowr iyo labaatanka xildhibaan ka kooban ayaa codsigooda diray isla maalintaas gudaheeda.

    Shir jaraa’id oo ay qabteen ayay ku sharraxeen sida ay degdeg ugu doonayaan in la tixgaliyo dalabkooda.

    Xildhibaannadaas ayaa sidoo kale codsaday in Blinken uu sannad walba xogta dowladda ee xuquuqda bani’aadanka ku soo daro macluumaadka ku saabsan tacaddiyada dhinaca Islaam naceybka.

    Ilhaan, oo ka mid ah saddexda xildhibaan ee Muslimiinta ah ee Aqalka Wakiillada, ayaa hor kacaysa dadaalkan, waxaana barbar taagan wakiilka matala gobolka Illinois, Jan Schakowsky.

    Xildhibaannada kala ah Karen Bass, Judy Chu iyo Jim McGovern, ayaa sidoo kale saxiixay warqadda loo diray dowladda. Sidoo kale waxaa qayb ka ah Rashida Tlaib oo ah haweeneyda labaad ee Muslimka ah ee Aqalka Wakiillada ka tirsan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    October 27, 2025

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025
    Latest Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.