Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowladda UK oo xayirtay hantida Abramovich oo ay ku jirto kooxda Chelsea
    Somalia

    Dowladda UK oo xayirtay hantida Abramovich oo ay ku jirto kooxda Chelsea

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 10, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda UK ayaa xayirtay hantida milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich, sidoo kalena kusoo rogtay xayiraad socdaal, taasi oo jahwareer gelisay qorshaha uu ku iibinayo kooxda difaacaneysa horyaalka Yurub iyo kan kooxaha dunida.

    Milkiilaha kooxdan ka tirsan horyaalka Premier League ayaa ka mid ah toddoaba maal-qabeeno Ruushiyaan ah oo xayiraado lagu soo rogay, kuwaasi oo uu ku jiro saaxiibkiisii hore ee ganacsiga Oleg Deripaska.

    Dadka kale ee xayiraadda la saaray waxaa ka mid ah madaxa shirkadda Rosneft Igor Sechin, oo dowladda Britain ay ku qeexday “gacanta midig” ee Putin, iyo madaxa shirkadda Gazprom Alexei Miller.

    Waxaa sidoo kale liiska ku jira guddoomiyaha Bankiga VTB Andrey Kostin, madaxweynaha Transneft Nikolai Tokarev iyo guddoomiyaha Bank Rossiya Dmitri Lebedev.

    London ayaa sheegtay in toddobada ganacsade ay marka la isku geeyo hantidoodu gaareyso 15 bilyan oo pound una dhiganta 19.7 bilyan oo dollar, ayada oo dhammaantood ku qeexday inay qeyb ka yihiin xeendaabka Putin.

    Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa cunabqataynada ugu yeeray “tallaabadii ugu dambeysay ee taageerada hagar la’aanta ah ee UK ay siineyso shacabka Ukraine.”

    Tan iyo markii uu billowday duulaanka Ukraine, waxaa jiray warar la isla dhex-marayo oo ku saabsan in Abramovich lagu dari doono ficillada lagu beegsanayo bilyaneerada Ruushka ee ku dhow Kremlin-ka.

    Waxa uu toddobaadkii tegay ku dhowaaqay inuu iibinayo Chelsea oo uu iibsaday 2003, islamarkaana lacag badan geliyey si uu ugu dhigo koox guul ka keenta Premier Leugue iyo koobka horyaallada Yurub.

    Dowladda UK ayaa qiyaastay in hantida Abramovich ay dhan tahay 9.4 bilyan oo pound, hase yeeshee waxay sheegtay inay qafiifineyso saameynta xayiraadaha Chelsea ayada oo u ogolaaneysa kooxda inay sii waddo inay shaqeyso.

    Shati gaar ah ayaa “ogolaanaya dhaq-dhaqaaqyo dhowr ah oo la xiriira kubadda cagta,” ayey dowladda UK ku tiri war-saxaafadeed.

    “Tani waxaa ka mid ah fasax ay kooxda kusii wadeyso inay kulamo cayaarto, iyo dhaq-dhaaqyo kale oo la xiriira kubadda cagta, taasi oo kadibna dhowreysa, kubadda cagta, taageerayaasha daacadda ah iyo kooxaha kale,” ayey ku dartay.

    Iibinta kooxda iyo kala wareejinta cayaaryahanada laguma darin liiska dhaq-dhaqaaqyada la fasaxay, taasi oo meesha ka saareysa qorshihii uu Abramovich ku iibin lahaa kooxda.

    Xafiiska Dhaqan-gelinta Cunaqabataynada Maaliyadeed ayaa sheegay in xayiraadaha hantida lagu dabaqay “hay’ad kasta oo uu leeyahay ama mamaulo Abramovich.”

    “Tani waxay ka dhigan tahay in Kooxda Kubadda Cagta Chelsea ay hadda wajaheyso xayiraad hanti oo qeyb ka ah xayiraadaaha maaliaydeed ee UK,” ayuu yiri xafiiska.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    October 27, 2025

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025
    Latest Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.