Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Waa noocee Gantaalka Hindiya uga fara baxsaday Pakistaan ?
    Somalia

    Waa noocee Gantaalka Hindiya uga fara baxsaday Pakistaan ?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 12, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Galinkii dmabe ee Arbacada, oo ay taariikhdu ku beegneyd, March 9, 2022, ayuu si lama filaan ah gantaalkaas ugu dhacay magaalada Mian Channu ee hoos tagta maamulka degmada Khanewal ee dalka Pakistan.

    Dadka deegaanka ayaa arkay shey xawaare aad u dheereeya ku socday oo ku dhacay dhulka, wararkii ugu horreeyay ee soo baxayna waxay sheegayeen in diyaarad khaas ah ay halkaas ku burburtay.

    Goor dambena, Maj. Babar Iftikhar, oo ah Agaasimaha Guud ee Waxada militeriga u qaabilsan dhinaca xiriirka dadweynaha ayaa shir jaraa’id oo uu u qabtay warbaahinta ku sharraxay sida ay wax u dhaceen, isagoo sheegay in “shey xawaare dheer ku socda” uu Arbacadii uga soo dhacay dhinaca Hindiya.

    Gantaalka ayaa ku dhacay afaafka hore ee xero lagu tababaro booliska, isagoo halkaas ku dilay ugu yaraan labo qof.

    “Saacaddu markii ay ahayd 6:43 pm, March 9, Ciidamada Cirka ee Pakistan waxa ay arkeen sheg aad u ordaya oo kasoo duulay dhinaca Hindiya”, ayuu yidhi.

    Waxa uu sheegay in markii hore uu ku duulayay gudaha Hindiya balse uu si lama filaan ah mar qura jihadiisa ugu baddalay dhinaca Pakistan, uuna ku xad gudbay hawada Pakistan, markii dambena uu dhulka ku dhacay abaare 6:50 pm.

    Af hayeenka u hadlay militeriga Pakistan ma uusan magacaabin gantaalkaas, balse waxaa la aaminsan yahay in uu yahay mid loo yaqaanno “Brahmos”,

    Wasaaradda Gaashaandhigga ee Hindiya ayaa bayaan ay soo saartay ku qiratay in gantaal dalka Pakistan 9-kii bishan uu ahaa mid si khaldan loo riday oo ka yimid dhanka Hindiya, haddana uu socdo baadhitaan heer sare ah oo la xidhiidha dhacdadaas.

    Warka kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu yidhi: “Gantaalka si khaldan ayaa loo riday 9-kii March, waxaana sababtay cillad farsamo oo ku timid tijaabooyinka caadiga ah.”

    Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay dowladda gaadheen wararka ku saabsan in gantaalkaas uu ku dhacay dhulka Pakistan, “inkastoo ay dhacdadan musiibo ahaydna ay dowladda Hindiya diyaar u tahay inay ogaato khasaaraha ka dhashay.”

    “Annagoo aad uga qoomameyneyna khaladka dhacay haddana waxaan ku faraxsan nahay in uusan jirin khasaare aad u baaxad weyn,” ayaa lagu yidhi bayaanka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025
    Latest Posts

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.