Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»MADAXWEYNAHA JUBALAND OO KULAN LA QAATAY SAFIIRADA DALALKA MIDOWGA YURUB EE SOMALIYA
    Somalia

    MADAXWEYNAHA JUBALAND OO KULAN LA QAATAY SAFIIRADA DALALKA MIDOWGA YURUB EE SOMALIYA

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 18, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Safiirada dalalka Midowga Yurub ee Soomaaliya, iyadoo kulanka lagaga hadlayay arrimaha amaanka Soomaaliya iyo qorshaha ATMIS ee lagu badalayo howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

    Madaxweynaha ayaa ugu horayn ka hadlay xaalada amaanka Soomaaliya oo uu sheegay in ay wali gabi dhaclaynayso isla markaana uuna muuqan hanaan isku xiran oo lagaga shaqaynayo amniga dalka.

    Waxaa Madaxweynuhu uu sheegay in howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM uu shaqo Wanaagsan soo qabtay bilowgii kaas oo lagu xoreeyay qeybo badan oo dalka kamid ah isla markana natiijooyin wax ku ool ah laga gaaray balse sanadihii danbe uu noqday Mid fadhiid ah oo aan u shaqeyn sidii loogu talagalay taas oo sababteeda ay leeyahiin Dowlada Federaalka ah wadamada ciidamadu ay ka joogan Soomaaliya iyo deeq-bixiyayaasha.

    Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in Dowlada Federaalka ah ay ka gaabisay hanaanka isku xirka amniga qaranka isla markana ay Ciidamada Dowlada u isticmaashay arrimaha siyaasada taas oo qeyb weyn ka ah gaabiska dhinaca amniga ah ee ka jira Soomaaliya iyo sidoo kale inay dayacday fursadahii hogaaminta howlgalka AMISOM iyo diyaarinta Ciidamo qaran oo dalka oo dhan laga qoray oo mustaqbalka la wareega amniga dalka.

    Waxaa Madaxweynahu uu xusay in Dowlada Federaalka ah ay ka baxday heshiisyadii amniga ee ay wada gaareen dhamaan saamileyda Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah sida heshiisyadii amniga ee Baydhabo iyo London ee sanadkii 2018.

    Dalalka ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayuu Madaxweynahu sheegay in ay qeyb ka yihiin gaabiska ku yimid howlgalada AMISOM iyagoo faragalin ku sameeyay siyaasada gudaha ee Soomaaliya isla markana dhumiyay shaqadii ay ciidamadoodu u joogeen dalka.

    Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu sheegay in qorshaha kala guurka ee amniga dalka uu yahay Mid Wanaagsan balse uu u baahan yahay ka go’naansho iyo fulin dhab ah inkasto intaasba aan looga baran Dowlada Federaalka ah.

    Ugu danbayntii Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa sheegay in dagaalka Al-Shabaab guul lagaga gaari karo in la helo isku xirnaanta Hay’adaha amniga Soomaaliya iyo in la qaado howlgal midaysan oo dalka oo dhan ah si ayna iskugu gurman Midowga Yurub iyo deeq-bixiyayaasha ayuu Madaxweynahu xusay in baahi weyn loo qabo isla xisabatan dhab ah oo la xiriira deeqaha amni ee dalka la siiyo inay noqdaan kuwo miro dhal ah oo laga gaari karo hadaf sax ah.

                             DHAMMAAAD.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025
    Latest Posts

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.