Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka oo uga digay Shiinaha in uu wajahi karo cunaqabatayn haddii uu Ruushka ku taageero dagaalka Ukraine
    Somalia

    Maraykanka oo uga digay Shiinaha in uu wajahi karo cunaqabatayn haddii uu Ruushka ku taageero dagaalka Ukraine

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 19, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa uga digay hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping jimcihii ‘cawaaqib xumo’ haddii Beijing ay taageero agab ah siiso duullaanka Ruushka ee Ukraine, iyado labada dhinac ay ka wadahadleen baahida loo qabo xal diblomaasiyadeed, sida uu sheegay Aqalka Cad.

    Inkasta oo Aqalka Cad aanu faah-faahin waxa ay noqon karaan cawaaqi xumada uu Shiinu la kulmi karo, ama sida Mareykanka uu u qeyxi doono “taageerada agabka”, ayaa xoghayaha warfaafinta Jen Psaki waxa ay tilmaanty in ganacsiga ballaaran ee Shiinaha ay saameyn ku yeelan karo.

    Psaki waxay sheegtay in Maraykanku uu Beijing si toos ah ugala xiriiri doono cawaaqib xumo kasta, isag oo kashanaya saaxiibadiisa iyo dhiggooda Yurub, waxayna sheegtay in cunaqabateyntu tahay kaliya hal qeyb oo ka mid ah waxyaabaha u diyaarsan Mareykanka.

    “Wuxuu u qeyxay saameynta iyo cawaaqibka ka dhalan kara haddii Shiinuhu uu taageero qalab siiyo Ruushka maadaama uu fulinayo weerarro naxariis darro ah oo ka dhan ah magaalooyinka Ukraine iyo dadka rayidka ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Aqalka Cad, kaas oo raaciyay in Biden “hoosta ka xarriiqay inuu taageersan yahay in xiisaddan lagu xalliyo xal diblomaasiyadeed.”

    Wadahadalka labada hoggaamiye ayaa kusoo beegmay xilli uu sii xoogaysanayo khilaafka u dhexeeya labada quwadood ee ugu waaweyn adduunka, iyada oo Biden uu tafaasiil ka bixiyey dedaallada Maraykanka iyo xulafadiisa ay kaga jawaabayaan duullaanka Ukraine.

    Reuters.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.