Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»See u arkaa xil ka-qaadista Guddoomiyaha G.Doorashada Hir-Shabelle Rooble?
    Somalia

    See u arkaa xil ka-qaadista Guddoomiyaha G.Doorashada Hir-Shabelle Rooble?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 20, 2022Updated:March 20, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa soo dhoweeyey xil ka qaadista uu madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ku sameeyey guddoomiyihii guddiga doorashada maamulka HirShabeelle (SEIT) Axmed Xasan Diini.

    Guudlaawe ayaa sheegay in Axmed Xasan Diini uu xilka ka qaaday kadib markii uu “ka laeexday habsami u socodka iyo habraacyada doorashada 2020/2022.”

    Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu si dhow ula socdo dhammaystirka doorashada kuraasta Golaha Shacabka BFS ee wali harsan isagoo kala shaqaynaya, sida uu yiri, Madaxda Dowlad-goboleedyada Jubaland iyo HirShabeelle.

    “Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu u hambalyaynayaa Maxamed Xuseen Maxamed oo xubin ka noqday Guddiga Doorashada ee Hirshabelle kaas oo badalaya Axmed Xasan Diini, waxa uuna farayaa dhamaan Guddiyada doorashooyinka in ay ku shaqeeyaan habraacyada iyo heshiisyada Doorashada ilaaliyaanna kala danbaynta,” ayuu Rooble ku yiri qoraalka

    “Ra’iisul Wasaaraha oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxwaynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayay ka wada hadleen in kuraasta Xildhibaannada ee taalla Baladwayne loogu tartamo si furan isla markaana aan shaqsi gaar ah loo xirin.”

    Rooble ayaa ugu dambeyn ku booriyey Madaxda Jubaland iyo HirShabeelle in ay sida ugu dhaqsaha badan u soo dhammaystiraan Kuraasta Golaha Shacabka ee harsan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025
    Latest Posts

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.