Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Safiirka Maraykanka “Maraykanka way ka go’an tahay in ay taageeraan dib usoo noolaynta Somaliya”
    Somalia

    Safiirka Maraykanka “Maraykanka way ka go’an tahay in ay taageeraan dib usoo noolaynta Somaliya”

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 20, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry André ayaa sheegay inay dawladda Maraykanka ka go’an tahay inay taageeraan dib usoo noolaynta Soomaaliya deggan, nabad ah, islamarkaana dimoqraadi ah.

    Safiirka ayaa u sheegay idaacadda VOA in Maraykanku yahay deeq bixiyaha ugu weyn ee Soomaaliya ka gargaara dhinacyada bani’aadminnimada, amniga iyo horumarinta.
    Danjire Larry André waxaa kale oo uu idaacadda VOA u sheegay in Maraykanka ay ka go’an tahay taageerista xorriyadda saxaafadda guud ahana caalamka. Waxa uu sheegay in suxufiyiinta oo la siiyo tababar, iyo in la difaaco xuquuqda hadalka ee Soomaaliya inay ka mid tahay waxyaabaha safka hore ku jira ee ay mudnaanta siinayaan.


    Danjiraha ayaa 7-dii bishii Febraayo ee aynu soo dhaafnay waraaqihiisa dnajirennimo u gudbiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

    Aqalka Senate-ka Maraykanka ayaa 18-kii December ansixiyay in Larry Edward André, Jr. uu noqdo safiirka Maraykanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna beddelay danjire Donald Yamamoto oo xilkaasi hayay tan iyo bishii October ee 2018.

    Madaxweyne Joe Biden ayaa bishii April 2021 magacaabay Larry André Jr, oo ah ruug caddaa muddo badan kasoo shaqeynayay diblomaasiyadda. André ayaa hore u ahaa safiirka Maraykanka ee Jabuuti intii u dhaxeysay Noofembar 2017 illaa Jannaayo 2021, isaga oo 2014 kii ilaa 2017 soo noqday safiirkii Maraykanka ee dalka Mauritania

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.