Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Biden oo lagu dhaliilay hadalo uu ka jeediyay Poland
    Somalia

    Biden oo lagu dhaliilay hadalo uu ka jeediyay Poland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 28, 2022No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxay ahayd khudbad kulul balse la miisaamay – aadna u waafaqsaneyd hadalladii ay muddo bilooyin ah dhahayeen saraakiisha Mareykanka ee ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee uu hoggaamiyo Antony Blinken.

    Laakiin, wax yar ka hor inta uusan soo gabogabeynin khudbadda oo uusan dhihin “waad mahadsan tihiin” iyo “nabadgelyo”, ayuu Mr Biden khudbadda gadaal uga darsaday hadallo aan lala ogeyn oo ku wajahnaa dhiggiisa Ruushka: “Ilaah dartiis, ninkan xukunka kuma sii nagaan karo.”

    Dowladda Ruushka ayaa ka hadashay durbadiiba.

    “Khudbaddan iyo hadallada khuseeya Ruushka waxay ahayd in loo adeegsado erayo akhlaaq ku dheehan tahay,” ayuu yidhi afhayeen u hadlay Ruushka oo lagu magacaabo Dmitry Peskov. “Ma fahansana in adduunka uusan u xirneyn Mareykanka iyo inta badan dalalka Yurub.”

    Xog hayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Mr Blinken, ayaa goor dambe sheegay in xukumadda Washington ay og tahay khatarta ka dhalan karta erayada Mr Biden.

    Isla maalinta uu khudbaddaas jeediyay, Madaxweynaha Mareykanku waxa uu Putin ku yidhi eray kale.

    Madaxweynaha Ruushka ayuu ku tilmaamay inuu yahay “hilible”, oo loo fasirtay inuu ula jeeday qof dadka hilibkiisa qasha.

    Isbuucii lasoo dhaafay, Biden waxa uu u muuqday inuu ka hor dhacayay hannaanka diblomaasiyadeed ee maamulkiisa, isagoo hoggaamiyaha Ruushka ku eedeeyay dambiyo dagaal.

    Labada kiisba, hadallada Mr Biden waxaa looga fal celiyay cambaareyn iyo digniin ka timid dhinaca Moscow, waxayna maamulka Putin ka digeen in erayadaas ay heer bur bur ah gaarsiinayaan xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Ruushka iyo Mareykanka.

    Waxaa kala jira erayo ku saabsan cambaareynta hoggaamiye waddan – oo mararka qaar xitaa wax u dhinta xiriirka diblomaasiyadeed – iyo in lagu baaqo in xilka laga tuuro hoggaamiyaha.

    Erayadan waxay ahaayeen kuwo ay Madaxda Mareykanka iyo Midowgii Soviet labadaba iska ilaalin jireen, xitaa markii uu heerka ugu xun taagnaa Dagaalkii Qaboobaa. Sida muuqatana, hadda Mr Biden wuu ka tallaabsaday khadkii xaqiiqnaa.

    “Badalista xukuumad” waa arrin ay waddamada awoodda badan lagu eedeeyo in ay kula dhiirradaan dalalka ka awoodda yar – ma aha wax uu waddan hubka nuclear-ka haysta ka dalbado waddan kale oo nuclear haysta.

    Ilaa maalintii Axadda, xitaa qaar ka mid ah dalalka xulafada la ah Mareykanka ayaa isku dayayay in ay iska foogeeyaan hadallada uu jeediyay Mr Biden.

    Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa ka digay in Madaxweynaha Mareykanku uu halis gelinayay wadaxaajoodyada u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine.

    “Waxaan rabnaa inaan joojinno dagaalka uu Ruushku ku qaaday Ukraine, iyadoo aan xaaladda looga sii darin,” ayuu yidhi. “Haddii tani ay tahay waxa aan dooneyno inaan sameyno, waa inaan xiisadda lasii kicinin – erayo iyo ficil midna aan loo adeegsanin.”

    Hoggaamiyeyaal ka tirsan Golaha Wakiillada Mareykanka ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay arrintan. Jim Risch, oo ah xubin laga soo doortay gobolka Idaho oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, kana tirsan guddiga arrimaha dibadda ee Aqalka Senate-ka, ayaa hadallada Mr Biden ku tilmaamay “kuwo laga argagaxo oo ceeb ah”.

    “Ilaahayoow, Waxaan jeclaan lahaa in ay u sheegaan in uu ku ekaado hadallada u qoran,” ayuu yidhi.

    “Mar walba oo aad dhahdo, ama sida uu sameeyay, aad soo jeediso in hoggaamiye la baddalo, waxaa ka dhalanaya dhibaato aad u weyn. Maamulkan wax walba oo karaankooda ah ayay u sameeyeen si aan xaaladda loo sii xumeynin. Wax aad u sameyso inaad xaaladda sii xumeyso wax ka daran ma jiro inaad ku baaqdo in hoggaamiyaha la baddalo.”

    Mr Biden waxa uu horay caan ugu ahaa inuu sheego hadallo aan khudbaddiisa qayb ka ahayn, kuwaasoo dhibaatooyin u horseeda.

    Erayo uu hadda ka hor yidhi ayaa caro geliyay saraakiishii maamulkii Obama, markaas oo uu Biden ahaa madaxweyne ku xigeen.

    Hase yeeshee, erayada uu jeebka kala soo baxo ma aha kuwo ku imaada si aan ku talogal ahayn. axay erayadiisa bannaanka soo dhigaan waxa uu qalbiga ku hayo Biden, xitaa haddii isaga iyo saraakiisha kale ee dowladdiisaba ay maskax ahaan jeclaan lahaayeen in uu afkiisa qabto.

    Waxaa suuragal ah in Mr Biden uu aaminsan yahay in xiriirka Mareykanka iyo Ruushka uu gaaray heer aad u xun oo aan la hagaajin karin inta uu xukunka hayo Mr Putin.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025
    Latest Posts

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.