Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Rooble oo soo dhaweeyay shaacinta Xildhibaanada la doortay
    Somalia

    Rooble oo soo dhaweeyay shaacinta Xildhibaanada la doortay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 1, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maaxmed Xuseyn Rooble waxa uu u hambalyeynayaa Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT oo shaaciyay najiijada doorashada mudaneyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad ee JFS ee lagu soo doortay deegaan doorashooyinka kala duwan ee dalka si waafaqsan habraacyadii doorashada ee lagu heshiiyay.

    Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sidoo kale ku bogaadinayaa Dowlad-goboleedyada, Guddiyada doorashooyinka heer Dowlad goboleed ee SEIT iyo Guddiga xallinta khilaafaadka shaqadii adkeyd ee ay soo qabteen, waxa uuna rajeynayaa in ay doorashada xildhibaannada dhiman ee wadartoodu tahay 30 Golaha Shacabka ah loo soo dhammeystiro sida ugu dhaqsiyaha badan.

    Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu hambalyo iyo duco u dirayaa xildhibaannada cusub ee la shaaciyay isagoo u rajeynaya in Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda loo igmaday ee samata bixinta dalka.

    Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ku adkeynayaa in ay ku taagnaadaan hirgalinta jadwalka dhaarinta xildhibaannada ee ku eg 14-ka April, si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, waxa uuna ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed iyo cid kasta oo ay khuseyso in ay guddiga ku gacan siiyaan gudashada waajibkooda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025
    Latest Posts

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.